U bood dhigaalka

Nigeria: Sanad Walba Waxaa U Geeriyooda Cudurka Mallaariyada 300-kun Oo Qof

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka Nigeria ayaa sheegtay in sanad walba gudaha dalka ay ugu geeriyoodaa 300-kun oo qof cudurka Mallaariyada .

Wasaaradda ayaa ku caddeysay war-murtiyeed ay soo saartay, in tirada dadka qaba cudurkan ay yihiin kuwa ku nool deegaannada Baadiyaha, kuwaasi oo ka sarreeya marka loo fiiriyo dadka ku nool magaalooyinka.

Waxay tilmaantay wasaaradda in dadka qaba Mallaariyada ay u badanyihiin haweenka uurka leh iyo caruurta.

Wasaaradda ayaa carrabka ku adkeysay in lagama maarmaan ay tahay in xukuumadda ay qaadato tallaabooyin wax ku ool ah oo lagula dagaallamayo cudurka Mallaariyada oo ay soo gudbiso Kaneecada.

Dadka ku taqasusay dhinacyada Caafimaadka ee gudaha Nigeria ayaa dadka waxay kula dardaarmayaan in ay adeegsadaan Sansiyeero, kuwaasi oo ka hortag u ah cudurka oo halis gelinayo caafimaadka Muwaadiniinta dalka.

Goobjoog News