U bood dhigaalka

Nikki Haley Oo Dhaliishay Golaha Ammaanka

Sheeko:Dalka

Safiirka Mareykanka u fadhisa qaramada midoobay Nikki Haley ayaa sheegtay in qaramada midoobay ay wiiqeyso fursadihii nabadeed ee u dhaxeeya Falastiin iyo Israel.

Hadalkaani ayaa waxay ka jeedisay kulan degdeg ah oo ay isku yimaadeen shalay golaha ammaanka ee qaramada midoobay ka dib go’aankii Turmp uu ku iclaamiyey Qudus inay tahay caasimadda Israel.

Nikki Haley ayaa sidoo kale ka hadashay in Mareykanka uu  ka heysto kalsooni Falastiin iyo Israel oo ah inay dhexdhexaadiyaan geedi socodka nabadeed ee falastiin iyo Israel balse waxay hoosta ka xariiqday in qaramada midoobay ay wiiqeyso dadaalada nabadeed ee bariga dhexe.

Kulanka ay yeesheen golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in Qudus aysan caasimad u noqon doonin maamulka Israel.