U bood dhigaalka

Nikki Haley: Washington Waxaa Ay Soo Rogi Doontaa Cunno-qabateyn Ka Dhan Ah Moscow

Sheeko:Dalka

Safiiradda Mareykanka u fadhisa Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa sheegtay in Washington ay soo rogi doonto cunno-qabateyn ka dhan ah Ruushka iyo shirkadaha lala xiriirinayo barnaamijka hubka Kiimikada ah ee Suuriya.

Arrinkan ayaa yimid ka dib Nikki Haley ay wareysi siisay kanaalka CBS News ee laga leeyahay Mareykanka.

Waxaa ay sheegtay in muuhimadda Mareykanka ee Suuriya aysan aheyn in maalin un Bishaar-Alasad meesha laga saaro balse ay muhiimadda ay tahay in la joojiyo dagaalka Suuriya.

Mar wax laga weydiiyay xiriirka ka dhaxeeya Bishaar-Alasad iyo Washinton waxaa ay ku jawaabtay Nikki Haley in maamulka Bishaar Al-asad uusan u qalmin in uu wadahadal uu la sameeyo Washinton.

Waxay intaas ku dartay in Mareykanka uusan wax wada xaajood ah uusan lasameyneynin muulka Asad, balse uu ka qeyb-galayo wada xaajoodka Geneva oo ay garwadeen ay ka tahay Qaramada Midoobay.

Goobjoog News