U bood dhigaalka

Nin Darawal Ah Oo Lagu Dilay Degmada Dharkeenley Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Nin hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ku dilay nin darawal ahaa, oo aad looga yaqaanay degmadaasi.

Qof ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Dharkeenley ayaa u sheegay Goobjoog News, in ninka darawalka ah iyo sidoo kale ninka wax dilay ay ku murmeen lacag Boosteejada gadiidka laga qaado ah, ka dibna rasaas lagu dhuftay Darawalka.

“Nin darawal ah oo la yiraahdo Maxamed ayaa waxaa dilay nin kale oo ahaa kuwa qor qora gaadiidka Boosteejada, waxaa soo kala dhex galay muran, rasaas ayuuna ku furay si tartiib ah ayuuna meesha uga baxay” ayuu yiri Goobjoogaha.

Dilka ka dib waxaa goobta gaaray ciidamada booliiska ee degmada Dharkeenley kuwaasi oo sameeyay howlgal, hase ahaatee lama sheegin in ay soo qabteen ninkii dilkaasi ka dambeeyay iyo in kale.

Goobjoog News