Nin Dhallinyaro Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa waxay saaka ku dileen nin dhallinyaro ahaa Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa inoo xaqiijiyey in ninka la dilay lagu magacaabayey Xuseen Xasan, wuxuuna ahaa Timo Jare, iyadoo aan la ogeyn sababta loo dilay.

Raggii dilka ka dambeeyay ayaa goobta isaga baxsaday, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidamada ammaanka oo howlgallo sameeyay, wallow aanay jirin cid lagu qabtay howlgalkaasi.

Isgoyska Sanca ayaa kala qeybiya Degmooyinka Shibis, Yaaqshiid iyo Kaaraan, waana meel aad u mashquul badan, iyadoo ay ku dhow yihiin suuqyo ganacsi oo waaweyn.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW