U bood dhigaalka

Nin Dil Qisaas ah Lagu Fuliyey Magaalada Luuq (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

qisaasNin lagu eedeeyey in uu dilal ka geystey magaalada Luuq ee gobolka Gedo ayaa maanta meel fagaaro ah lagu fuliyey dil toogasho ah kadib markii sida la sheegey uu isaga qirtey, dad kalana ay ku marqaati fureen.

Dilkani waxaa fuliyey maamulka degmada Luuq ee dowladda Soomaaliya, waxayna sheegeen in dad kale lasoo xirxirey kuwaasi oo loo heysto fal dambiyeedyo kala duwan.

Sheekh Maxamed Muunin oo ka mid ah mas’uuliyiinta Luuq ayaa Goobjoog oga warbixiyey sidii ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegey in ninkani uu dilka ku cadaaday, dad badana uu horey u diley.

 

Dhageyso

Goobjoog News