U bood dhigaalka

Nin Dilay Haweeney oo Baydhabo Lagu Qisaasay

Sheeko:Amniga

Maxakamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun qisaas ah waxaa ay ku fulisay Gacan ku dhiigle Maxamed Goomey oo horay udilay marxuumad Xaawo Maxamuud Malaaq, taas oo maalinimadii shalay meydkeeda laga helay xaafad katirsan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Goobta lagu qisaasayay Gacanku dhiiglaha Goomeey ayaa waxaa isugu yimid bololaal shacab ah, kuwaas oo goobjoog ka ahaa cadaalad siinta marxuumad Xaawo Maxamuud Malaaq oo ku baxday gacantiisa, kadib markii uu dilay, waxuu meydka marxuumadda uu ku qariyey meel Boosaneer ah, taas oo keentay in lawaayo maalmo.

Marxuumad Xaawo ayaa la sheegay in ay gacan ku dhiiglaha ay ku laheyd lagac, kaas oo maanta loo qisaasay dilkeedii waxaana la sheegay markuu dilayay marxuumadda uu ku ballamiyay maalintii Jimcaha aheyd gurigiisa si uu usiiyo lacagteeda, isagoo kadib dilay godna ku riday, ciidanka Nisa ayaana shalay helay meydka.

Goobjoog News