U bood dhigaalka

Nin Holland u Dhashay oo Ku Xigeen Looga Dhigay Nicholas Kay

Sheeko:Dalka

Peter de Clercq, ayaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki- moon u magacaabay ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya kaas oo lagu bedelay Philippe Lazzarini oo hayay xilkaas.Waxaa uu sidoo kale noqon doonaa isku duwaha howlaha Banii-aadnimada iyo Wakiilka UNDP ee Soomaaliya.

Peter de Clercq oo u dhashay dalka  Netherlands ayaa sidoo kale waxaa uu noqon doonaa madaxa laamaha Qaramada Midoobay u kala qaabilsan isku dubaridka gargaarka bani’aadminimo iyo horumarinta barnaamijyada ee UN-OCHA iyo UNDP ee Soomaaliya.

Bishii Maay ee sanadkan ayaa 3 bil waxaa waqtiga loo kordhiyay xafiiks caawimaada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Peter de Clercq ayaa waxaa uu inta muddo ah ka shaqeynayay hey’adaha Qaramada Midoobay,isagoo ka soo shaqeeyay dalal uu kamid yahay Suudaan, waxaa uu 27 sano u shaqeynaayay laanta qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Taariikh Nololeedkiisa kala Soco Goobjoog News, goor dhaw.