Nin Isku Deldelay Gobolka Galgaduud

War degdeg ah oo hadda naga soo gaaray gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in nin xoolo dhaqato ah uu isku diley halkaasi.

Ninkani oo lagu magacaabi jirey Ilkaweyne Cumar Jaaxuur ayaa isdeldelay sida Goobjoog News ay u xaqiijiyeen dadka degaanka Baxdo waxaana ay sheegeen in ay ka dhammaadeen xoolihii uu dhaqanayay. Waxaana lagu soo warramayaa inuu xanuunsanayay.

“Sababaha uu isku deldelay waxaa lagu sheegay in abaartu ay ka leysay ari badan oo uu lahaa ninkaasi” ayay yiraahdeen dadka degaanka.

Illaa hadda maamulka degaanka iyo kan Galmudug ka aynaan hadlin masiibadani ka dhacday maanta halkaasi.

Degaanno badan oo Soomaaliya waxaa ka jirta abaar aad u daran oo dadka weli u dhiman darteed waxyeeleysay dhimirkooda.

Wixii soo kordha dib kala soco

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW