U bood dhigaalka

Nin la shaqeynayey ciidamada AMISOM oo Muqdisho lagu dilay

Sheeko:War

Dabley bastoolado ku hubeysnaa ayaa magaalada Muqdisho ku dilay nin la sheegay inuu turjubaan u ahaa ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

Goobjoogayaal ku sugnaa halka uu dilka ka dhacay oo ka tirsan xaafadda suuqa xoolaha ayaa sheegay in ninka ladilay lagu magacaabayay Cabdinaasir, kaasoo lashaqeynayey ciidamada AMISOM oo ayaamahan howl-gallo kawaday xaafadaha magaalada.

Kooxdii dilka geysatay ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday, mana jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay falkaasi.

Tan iyo bilowgii bisha Ramadan ee aan kasoo gudubnay waxaa sare u kacay dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah mas’uuliyiinta,shaqaalaha iyo weliba xaruumaha dowladda, kuwasoo inta badan ay sheegataan Al-shabab iney iyagu fuliyeen.