U bood dhigaalka

Nin Madaxa Looga Jiro Oo Walaalkiis Ku Dilay Degmada Jowhar Ee Gobalka Shabeelaha Dhexe (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

JowharNin la sheegay in madaxa looga yara jiray ayaa degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe waxa uu ku dilay walaalkiisa, ka dib muran soo kala dhex galay.

Aabe Maxamed Cali Magan oo dhalay Labada wiil ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in Labadiisa wiil ay horay isugu dhaceyn, islamarkaana uu isaga kala dhex galay, midka wax dilayna madaxa looga yara jiray waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in uu soo qaatay Faas ama Misaar, islamarkaana walaalkiis oo damacsanaa in Salaad Subax uu Tukado uu maskaxda uga dhuftay Markii uu dhacay ka dibna uu wadnaha uga sii dhuftay sidaasna uu ku geeriyooday.

Ninkii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday sida aabihiis uu sheegayo, iyadoo ciidamada amaanka ay bilaabeen baadi goobkiisa.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News