U bood dhigaalka

Nin Oday Ah Oo Lagu Diley Degmada Yaaqshiid, Muqdisho

Sheeko:Amniga

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa saakay waxay xaafadda Fagax ee degmada Yaaqshiid ku dileen nin la sheegay inuu ka mid ahaa waxgaradka ugu caansan degmadaasi.

Ninkan ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Hilowle, waxaana toogtay dhallinyaro Bistoolooyin watay, iyaga oo goobta isaga baxsaday.

Goobta dilkan uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo wada howlgallo ballaaran oo ay ku raadinayaan dadkii dilkaasi ka dambeeyey.

Lama oga illaa iyo hadda sababata ka dambeysay in la dilo Ninkan, iyadoo dadka deegaankana ay lama filana ku noqotay dilka Xuseen.

Dilalka sidan oo kale ah ayaa noqday kuwo kusoo batay magaalada Muqdisho, iyadoo hadane inta badan ay baxsadaan ragga dilalkaasi fuliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News