U bood dhigaalka

Nin Soomaali ah oo lagu dilay magaalo ku taala dalka Koonfur Afrika

Sheeko:Dalka

Nin Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay magaalo weyn oo ku taala dalka Koonfur Afrika, waxayna noqoneysaa markii koowaad oo qof Soomaali ah lagu dilo magaalo dalkaasi ku taala iyadoo markii hore Soomaalida laagu dili jirey meelaha tuulooyinka ah.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabaa Xassan Faarax Maxamed , waa nin oday ah oo da’diisu tahay 65 jir , waxaana lagu diley magaalada Port Elisabeth ee xeebta ku taala.

Sida ay sheegeen Police-ka dalkaasi ninka la diley ayaa waxaa laga dhacay gaari uu sii iibinayay , iyadoo gaarigiina laga heley meel ka durugsan meesha uu falka ka dhacay, waxaana jirtey in raggii falka ka dambeeyey ay goobta ka baxsadeen.

Sida uu sheegey afayeen u hadlay Police-ka oo magaciisu yahay Captain Johan Rheeder ayaa sheegey in nimanka falka fuliyey ay iska dhigeen sidii dad gaariga ka iibsanaya marxuumka, kadibna waxa uu qaaday gaariga si ay isaga baroobeeyaan, halkaasi oo markii dambe midkood uu ku toogtey.

Marxuum Xassan Faarax oo ah ganacsade aad looga yaqaano magaalada Port Elisabeth, kana ganacsada baabuurta ayaa waxaa la sheegey in carruurtiisii iyo qoyskiisii ay labo maalmood ka hor dilka u dhoofeen dalka Maraykanka halkaasi oo dib u dajin ay ka heleen.

 

Goobjoog News