U bood dhigaalka

Nin Soomaali Ah Oo Weerar Dad Ku Dilay Ka Fuliyey Magaalo Ku Taallo Dalka Jarmalka

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya dalka Germalka ayaa sheegaya in muwaadin Soomaaliyeed oo dalkaas ku dhaqan uu weerar ay dad ku dhinteen ku qaaday xilli ay ku sugnaayeen waddooyinka waaweyn ee magaalada Würzburg.

Ugu yaraan inta la xaqiijiyay seddax qof ayaa ku dhimatay weerarka uu ku qaaday muwaadinka Soomaaliyeed dad marayay waddooyinka magaalada Würzburg ee dhacda dalka Jarmalka .

Ninkan Soomaaliga ay oo la sheegay in uu jiro 24-sano ayaa weerarkan u adeegsaday Mindi halkas oo uu dad kalena ku dhaawacay .

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay ninkan oo ka ordaya booliska magaalada Würzburg oo eryanayay xilli uu galaaftay nolosha dad ku sugan bartamaha magaaladaas.

Booliska dalka jarmalka ayaa sheegay in ninkan uu yahay Soomaali, xilli uu xirna markii uu weerarka qaadayay Af-saabka loogu tala galay in looga taxadaro xanuunka Corona .

Goobjoog News