U bood dhigaalka

Ninkii Dilay Usama Bin Ladin oo Loo Hanjabay

Taageerayaasha Daacish ee Ingiriiska ayaa Internet-ka ku daabacay Magaca, Cinwaanka iyo Macluumaad ku saabsan ninka sheegtay in uu dilay hogaamiyihii Alqa’ida Usama Bin Ladin, isagoo dadka ku dhiirigaliyay in la dilo oo loo aaro Bin Ladin.

 

Marwadii Argagaxa gabdha la baxday, magaceedana uu yahay Sally Jones oo shaqadan qabatay ayaa sheegtay in Robert O’Neill oo sheegtay in uu Wajiga Xabad uga dhuftay Bin Ladin uu mudan yahay in la dilo.

 

Kooxo badan oo Daacish taageersan ayaa sii faafiyay Hashtagga iyo Cinwaanka ninka, lakin dadka Mareykanka u dhashay ayaa sheegay in ay taageerayaan ninkaas.

 

Mid ka mid ah taagerayaasha Daacish ayaa qoray: waa kana cinwaanka Robert O’Neill, walaalaheyga Mareykanka jooga waxaa ka codsanayaa in ninkan ugaarsadaan”.

 

Islaamiyiinta ayaa ka xanaaqay Robert O’Neill, ninkan ayaa Mareykanka oo dhan ku wareegaya isagoo bixinaya siminaaro kuna faanaya dilka hogaamiyaha Alqaa’ida Usma bin Ladin.

 

Robert O’Neill oo 39 jir, waxaa uu sheegtay in gacantiisa ku dilay Bin Ladin markii ay gurigiisa ugu galeen Bishii May 2011-kii.

 

Teleshinka afka dheer ee FOX NEWS ayaa sanadkii hore waxaa uu shaqo falanqeeyenimo siiyay Robert O’Neill, waxaa uu sidoo kale u sameeyay Filim gaaban oo la magic baxay’Ninkii Dilay Bin Ladin”.

 

Fariintan cusub kadib, dowladda Mareykanka waxaa ay sheegtay in Robert O’Neill aanu daganeen Ciwaanka la sheegay iyadoo amaankiisa la sugay.

Dadka Baraha bulshada wax ku qora waxaa ay sheegeen in mareykanka uu cabsaday mar haddii uu la dhuumanayo ninkan ku faanaya dilka Bin Ladin, fariintana laga gaaray ujeedadii laga lahaa.