U bood dhigaalka

NISA Oo Sheegtay In Muqdisho Ku Qabatay Xubno Ka Mid Ah Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Qoraal lagu baahiyey barta Twitterka ku leedahay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ciidamada ammaanka sameeyeen ku qabteen xubno ka mid ah Al-shabaab.

Waxaa qoraalkan lagu sheegay in howlgalkan ahaa mid qorsheysan, mana sheegin degmada howlgalkan laga fuliyey iyo sidoo kale tirada raggan la qabtay.

“7da Sabtembar, howlgal ayaa ciidanka amnigu kusoo qabteen koox Al-Shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada muqdisho ka fuliyaan, Ciidanka amnigu waxay naftooda u huraan soo qabashada argagixisada ah ayagoo khatar ku ah shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

NISA ayaa horey sidan oo kale u shaacisey iney qabteen xubno ka mid ah Al-shabaab oo ka shaqeynayey amni darri ka dhacda magaalada Muqdisho.

Goobjoog News