U bood dhigaalka

NISA oo Xildhibaan Qaran Ka Hor Istaagtay Safar Deegaan Doorasho

Sheeko:Amniga

Xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in saaka laga hor istaagay safar ay ku tagi laheyd Luuq Ganaane, Gedo oo ah deegaan doorashadeeda.

Xildhibaanka oo ka hor hadashay golaha shacabka ayaa tiri “ Waxaan fasax geystay guddoonka shalay in aan muddo 10 casho ah ku maqnaado deegaan doorashadeyda degmada Luuq-ganaane, Tikit ayaan goostay, waxaa la iigu yiri hal saac iyo bar subaxnimo  soo gal saaka ayaan tagay,  hadda oo la marayo shan saac iyo bar ayaa la iigu yiri ma bixi kartid, kama bixi kartid Airportiga waxaa ku heysato hey’adda nabad sugidda ee NISA, dambiga aan galay iyo kiiska aan ku bixi karin waxaa rabaa guddoonka la hor keeno, oo la galo”.

Ilaa hadda ma jirto cid NISA ka tirsan oo arrinkan ka hadashay, mana caddo sababta looga hor istaagay in xildhibaanki aado goboleedka.

Gedo waxaa ka jira qalalaaso siyaasadeed, waxaa jooga ciidamo Itoobiyaan oo ka baxsan AMISOM oo taageersan dowladda federaalka ah iyo Kenyan aan ku jirin AMISOM oo garab taagan maamulka Jubbaland.

Goobjoog News