U bood dhigaalka

Muuqaal: Nolosha Dadka Reer Zanzibar Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Bishii September 2-deedii sanadkii 2001-dii   ayey aheyd markii ugu horreysay oo ay Soomaaliya yimaadaan qaxooti u dhashay dalka Zanzibar gaar ahaan magaladda Muqdisho oo aheyd bartilmaameedkooda, iyaga oo ka soo cararay xaaladda siyaasadeed oo xilliga ka jirtay Jaziiradda Zanzibar oo dhacda Bariga Afrika, iyaga oo Soomaliya u soo doontay nolal ka duwan tii ay dalkooda ku heysteen.

Hadda 16-sano kadib imaanshahoodii Soomaaliya waxa ay kuu sheegayaan in aysan wax dhibaata ah la kulmin intii ay soomaaliya joogeen iyga oo si wanaagsan u dhexgalay bulshada Soomaaliyeed oo ay naloolyihiin.

Saalim Maxmed Cabdi waa nin 60 sano jir ah waxaa uu aad ugu qanacsanyahay nolosha uu Soomaliya ku heysto, waxa uu heystaa sadex carruur ah oo ay u dhaleen haween Soomaaliyeed intii uu ku sugnaa dalka, isaga oo si fiican ugu hadla afka Soomaaliga.

Intii uu joogay Saalim Muqdisho waxa uu qabtay dhowr shaqo oo kala duwan, balse waxa uu aad caan ugu yahay macalinnimo waxa uu wax ka dhigaa Saddex goobood isaga oo ah Macallin Guri, waxa uu dhigaa luuqadaha Ingriiska iyo Sawaaxiliga waxa uuna dhawaan furtay Iskuul igagu uu leeyahay, waxa uu aad ugu rajo weyn yahay in arday badani u soo xaadiri doonto Iskuulka uu furtay.

Mar uu dhowaan wareysi siiyey Goobjoog Nws, Saalim waxa uu sheegay in uu shaqeeyo inkabadan 15-saac oo maalin iyo habeen igu jirta si  nolosha carruurtiisa u dabaro isaga oo si dhow ula socda xaaladaha dalku uu ku saganyahay kuna timaamay sanadkan sii dhammaanaya ee 2016 in shaqadoodii ay hoos udhac wajahday maadaama meelo badan oo dalka ka mid ah abaaro ay ka jiraan sida uu yiri.

Wareysigiisa waxa uu ku sheegay in hay’adda qaramada Moddobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ay dayacday qaxootiga reer Zanzibar ee Soomaaliya Jooga, isaga oo intaa ku daray in ay uga baxday balanqaadyo dhowr jeer ay u sameysay oo ahaa in ay caawineyso qaxootiga reer Zanzibar ee Soomaaliya jooga.

Mascuud Rashiid, isna waxa uu ka mid yahay qaxootiga Zanzibar ee kunool magaladda Muqdisho 16-kii sano ee uu Soomaaliya joogay waxa uu qabtay dhowr shaqo, balse waxa uu caan ku yahay Xirfadda Timajarka, waxa uuna leeyahay dad badan oo macaamiil ah oo timaha ka jarta wareysi uu goobjoognews Siiyey waxa uu ku sheegey inkastoo uusan maalmahan Suuqu u qanaagsaneen haddana in uu ka helo shaqadiisa wax uu ku dabaro nolosha qoyskiisa isaga oo ah aabe dhalay laba carruur ah oo ay u dhashay haweemey Soomaaliyeed oo uu guursaday sanado uun ka dib imaanshihiisii Soomaaliya.

Isaga oo barbabr taagan saaxiibkiis Saalim ayuu sheegay in aysan Soomaaliya intii ay joogeen uusan wax dhib ah la kulmin oo ay raali ka yihiin nolasha ay ku noolyihiin, waxa ay labaduba dagan yihiin Kaamku yaalla degmadda Howl-wadaag ee Gobolkan Banaadir.

Mar ay Goobjoog News  ay wax ka weydiisa Saalim iyo Mascuud in ay rabaan iyga iyo saaxiibadood in ay dalkooda dib ugu laabtaan waxa ay inoo sheegeen in ay diyaar u yihiin in dalkooda ay u laabtaan balse wali ay dareemayaan in aysan jirin sabab ay ugu laabtaan dalkooda hadda maadaama wali aysan wax iska badelin siyaasadii ay ka soo carareen, iyga oo oo sheegay haddii dalkoodu uu siyaasad ahaan dago in isla bariba ay diyaar u yihiin in ay laabtaan.

Dadka ku ag nool ee Soomaaliyeed oo aan wax ka weydiinay sida ay ugu qanacsan yihiin Zanzibar waxa ay Goobjoognews u sheegeen in aysan wax xumaan ah ku arkin intii ay dariska ahaayeen oo ay aad u jecleyteen sida ay xirfadahooda ugu shaqeystaan.

Jasiirada  Zanzibar waxa uu marti gelisay  fowdo siyaaseed, caburin iyo dagaal dhanka diinta ku saleysan, kuwaas oo sababay in dad badan oo jaziiradda u dhashay dalkooda ay isaga soo cararaan.

W/D: Axmed Weli Maxamuud (Tifaftiraha Goobjoog Fm)

Goobjoog News