U bood dhigaalka

Noloshii Caagga Marnaa ee Maxamed Yare

Sheeko:Dalka

Soomaalida Waxay ku maah maahdaa Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan ,waana halka ay ka billaabaneeyso qisadan gaaban ee ku qotonta hardanka nolosha qoyska Maxamed yare oo hadda ah isha dhaqaale ee kaliya ee aay ku tiirsan yihiin qoyska uu ka dhashay oo aabihii ay ku tiir sanaayeen uu ku geeriyooday  dagaaladii Muqdisho ee wajiyada badanaa.

Maxamed Xuseen oo aan kula kulmay si lama filaan ah waqti u dhexeeya 11:00  barqanimo illaa 1:00 duhurnimo waddada isku xirta dhismaha Guriga ummadda ee lagu dajiyo miisaaniyadda qaranka Soomaliya Ku baxeeysa  iyo Waddada shaqaalaha ee Muqdisho ayaan ku gartay tilmaam uu kaga duwanaa dhammaan dadka waddadaasi ku soconayay oo ahayd in uu ku xardhanaa caagadaha bac bac layaasha ah oo laga cabay Shaanida,PiPsida iyo cabitaanada kale ee kala duwan

Maxamed oo aanaan horay u garaneeyn dhowr talaabana iga fog ayaan ku guuleeystay in dareenka maqalkiisa aan ku soo jeediyo ” Wiilkow…. Yarkow….”si hal haleel ah ayuu ku soo jeestay malaha waxa uu  qalbigiisii dhawaqa maqalka gaaray ee u gudbay dareen wadaha ka dibna turjumay uu dib ugu celiyay qalbigiisa oo uu ku yiri waa qof wax kaa iibsan raba ee dib u eeg.

Maxamed markii uu dhaayaha i saaray  waa uu rumeeysan waayay in aan isaga u yeerayo waxaana ku iri … haa waa adiga ,waan hubaa in uu xaqiiqsaday in aanaan dooneeyn Caagagta yar yar ee sida tusbaxa isugu xiran ee ku xeyndaaban jirkiisa oo dhan oo aan dan kale ka leeyahay  sabab too ah wuxuu ii sheegay in ay ka iibsadaan Caagagtaan bac bac layaasha ah maqaayadaha Shaaha lagu iibiyo oo dhallinyarada qaadka cuna shaah cabiraad ah uga sii iib sada

Waxaa sidoo kale uu ii sheegay in Biyaha Mooya saxada ah ee la’cabiraa iyana lagu sii iibiyo kana qiima jaban kuwa sajalka ah ,Maxamed Yare waxaan u sheegay in aan Suxufi ahay oo aan doonayo inaan kala sheekeeysto ganacsigiisa

Nasiib wanaag si qalbi furnaan ah ayuu iigu soo dhoweeyay meel hareerta waddadeeda ah wuxuuna ii sheegay in Duleedka Muqdishu uu u socdo  lugna uu ka soo billaabay isaga oo ku xardhan caagag aan ku qiyaasay ku dhowaad boqol xabbo

Maxamed waxa uu ii sheegay in dakhliga maalin laha ah uu ka helo uu u dhexeeyo 10,000 Sh Som illaa 50,000 Sh Som taas oo uu sheegay in aysan kaafin nolol maalmeedka in ka badan 5 qof oo waalid iyo walaal isugu jira cidda kaliya ee ay dhowrayaan gacan tiisana isaga tahay

Maalinta oo cad-ceeddu kulushahay aawadeed iyo meesha oo ah waddo mashquul badan hareerteed iyo isaga oo ku camal falayay xikmadda dadka waqtiga tartanka kula jira ay isticmaalaan ee ah inta uusan waqtiga ku jarin adigu jar ayuu ii sheegay in niyad wanaagsan uu leeyahay rajana ka qabo in nolol ka wanaagsan tan hadda uu ku jiro uu helo

Faa’iidada Deegaanka ay u leedahay shaqada Maxamed uu ka hayo Muqdisho

  1. waa tan koowaade waxa uu ka qeyb qaadanaya bilicda oo inta shaqadan uu wado meelna ugama tagi doono Caag biyo laga cabay oo yaala hareerta waddo
  2. waxaa ay direysaa fariin ah in dib looga faa’iideeysan karo sheey mar kaliya la isticmaalay haddii hal abuurka la ballaariyo oo shirkadaha Cabitaanada waxa ay awoodi doonaan in halkii ay ka qeyb qaadan lahaayeen guddaafad ku tuuridda waddooyinka in ay dib u farsameeyaan bacaha ay isticmaalan
  3. Sidoo kale waxa ay marqaati ma’doonto u tahay heerka nolosha qaar ka mid ah qooysaska Soomaaliyeed oo ku nool meel ka hooseeysa  riigmada faqriga

Waa dhab in ay jiraan boqolaal Maxamed oo kala ah una baahan fursado shaqo oo dhisa mustaqbalkooda iyo kan dalka ay ku nool yihiin oo kaliya u baahan in fikrada- hooda loo maalgeliyo taas oo hubanti ah in nolosha dadka iyo dalka wax badan ka badali doonta haddii la helo cid ku garab siisa

Maxamed waxaa kale uu tusinayaa in dhallinyarada tahriibeysa aysan hillinkii habboonaa heynin oo ay dalkooda ku noolaan karaan ,sabab ay nafsaddooda khatar u galiyaanna aysan jirin

Qormadeeydaan Gaaban waxaan ku soo gunaanadayaa dal marka la dhisayo waxaa laga eegaa dhallinyarada uu heysto sida muuqatana maanta da’yartu waa kuwa dayacan una baahan Xukuumad si siman furasadaha shaqo iyo tacliineed ugu qeybisa kuwooda farsamada ku wacanna uga faa’iideeyso dalka iyo dadka

Waana dariiqa kaliya ee looga bad baadi karo in awoodda dhallinyarada danleey  uga faa’iideeystaan dano gurracan oo haadaan ka sii tuura dalka .

W/D Aweys Xasan Maxamed (Aweys Codeey)