U bood dhigaalka

Norway Oo Aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliga

Sheeko:Dalka

Dalka Boqortooyada Norway ayaa maanta si rasmi ah ugu dhowaaqey in uu aqoosadey baasaboorka Soomaaliga noocyadiisa kala duwan ( Dublamaasiga, Shaqaalaha iyo Kan caadiga). Wadahadalo socdey mudo sanad ka badan kadib, ayay Norway maanta uga dhawaaqdey munaasabad ay soo qaban-qaabisey safaaradda Norway ay ku leedahey dalka Kenya oo ka dhacdey magaalada Nairobi, waxaana munaasabadda ka qeyb-galey dhinaca Soomaaliya wasiirka arimaha dibadda Mr. Cawad, wasiirka Amniga gudaha Xil. Ducaale, Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Koofi, iyo lataliye-yaasha HSJ iyo Wasaaradda Amniga. Dhinaca beesha caalamka ayaa waxaa soo qeyb-galey munaasabadda ku dhawaad 20 safaaradood oo ka kala socdey wadamada aan aqoonsaneyn baasaboorka Soomaaliya. Warbixin laga dhageystey agaasimaha guud ee HSJ, iyo khubaro ka socotey dalka Norway oo hore qiimeyn ugu soo sameysey habka bixinta baasaboorka Soomaaliya ayey ugu danbeyn Norway ku dhawaaqdey go’aankeeda ay dib ugu aqoonsanayso baasaboorka Soomaaliya. Norway ayaa ku biireysa wadamada dib u aqoonsadey baasaboorka Soomaaliya, waxaana hadalo mahadcelin ah ka soo jeediyey munaasabadda, wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Mr. Cawad iyo wasiirka amniga gudaha Xil. Ducaale. Waxayna ka qeyb galeyaasho su’aalo weydiiyey agaasimaha guud ee HSJ, isaga oo uga jawaabey isla markaana ka qanciyey qodobo ay su’aalo ka keeneen.

Goobjoog News