U bood dhigaalka

Norway oo ka caawineysa dowladda Soomaaliya xoojinta ciidamada

Sheeko:Dalka
Midig: Ra'iisal wasaare Cabdiweli iyo Wasiirka warfaafinta Mustaf Sheekh Cali oo la shiraya masuuliyiin ka tirsan Norway
Midig: Ra’iisal wasaare Cabdiweli iyo Wasiirka warfaafinta Mustaf Sheekh Cali oo la shiraya masuuliyiinta Norway

Dowladda Norway ayaa sheegtay in ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka gacan siineyso dib u dhiska iyo xoojinta ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ballan qaadkan ayaa yimid kadib markii uu ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalkaasi oo uu kala hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa ciidamada dowladda Soomaaliya si ay ugu filnaadaan adkeynta ammaanka Soomaaliya.

Waxa uu kulanka ka sheegay ra’iisul wasaaraha dowladda Norway in ay ka qeyb qaadanayaan dib u soo celinta adeegyadii bulshada ee dalka Soomaaliya isaga oo si gaar ah u ballan qaaday in uu ka caawinayo dowladda Soomaaliya dhinaca ciidamada iyo qalabka Milateriga.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyay sida dowladda Norway ay xilligan ugu heelan tahay in ay gacan ka gaysato dadaalada lagu xasilinayo dalka  iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen labada dhinac taageerida waxbarashada, gargaarka bani’aadanimo, shaqo-abuurka iyo in ay Soomaaliya laga caawiyo sidii ay u maamulan lahayd khayraadka dalkeeda.

Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa khamiistii la soo dhaafay magaalada London kaga qeyb galay shir looga hadlayay ammaanka.