U bood dhigaalka

Nugaal: Ilaalinta deegaanka iyo Duur joogta oo maanta laga hadlay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta degmada Eyl ee gobalka Nugaal lagu qabtay kulan balaaran kaa oo looga hadlaayay ilaalinta deegaanka iyo Duur joogta, kaa oo saacado badan socday

Kulankaan ayaa waxaa wada qaatay Waasaradda deegaanka Puntlan iyo maamulka degmadaasi, waxaana looga hadlay sidii arimahaan oo idil xil la’isaga saari lahaa sidoo kalena loo wacyi gelin lahaa dadka shacabka ah.

Wasiirka Deganka ee maamulka Puntland oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in dhankooda diyaar ay u yihiin wax ka qabashada dhibaatada ku saabsan xaalufka.

Dhanka kale Wasiirka ayaa la kulmay qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan degmadaasi, waxaana ay kala hadleen sidii loo ilaalin lahaa deegaanka iyo Duur joogta.

Halkaan hoose ka dhageyso warkaan oo maqal ah iyo Wariyaha Goobjoog gobalka Nugaal Cali Cabdi Casiis.

Goobjoog News