U bood dhigaalka

Nugaal: Madaxweyne Farmaajo Dhagax Dhigay Waddo 100 KM Ah (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa deegaanka Dangoronyo ka dhagax dhigay waddo 100 KM oo gaareysa illaa iyo degmada Ayl.

Wadadan la dhagax dhigay ayaa la dhisi doonaa dhowaan, waxayna muhiim u tahay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Madaxweynaha oo saakay ka ambabaxay magaalada Garoowe ayaa gaaray magaalada Qardho ee gobolka Bari, waxaana intii uu u socday Qardho uu ku hakaday dhowr Tuullo oo shacabka uu kula hadlay.

8-dii bishan ayaa madaxweyne Farmaajo waxaa socod uga bilowday deegaannada Puntland, waxaana sidoo kale uu soo mari doonaa qaar kale oo kamid ah gobollada dalka.

Goobjoog News

Dan3 Dan2 Dan1