U bood dhigaalka

NUSOJ Oo Hambalyo u Dirtay Goobjoog

Sheeko:Dalka

Ururka Saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa hambalyo u diray iadaacad Goobjoog oo maanta u dabaaldegaysa sanadguuradii 4-aad.

Xoghayaha ururkaasi Maxamed Ibraahim Macallimow oo hadal ka jeediyey goor dhaw munaasabadda Goobjoog ayaa ku amaanay Idaacadda dadaalka iyo waqtiga ay gelisay u adeegidda bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu Idaacadda kula dardaarmay inay xoojiso howlaha shaqo ee ay bulshada u hayso.

Goobjoog News