U bood dhigaalka

NUSOJ Oo Qaadacday Guddiga Saxaafadda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa gabi ahaanba qaadacay guddiga saxaafadda qaranka Soomaaliyeed oo khamiistii meelmariyeen golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay NUSOJ islamarkaana nuqul ka mid ah uu soo gaaray Goobjoog News ayaa lagu sheegay in kulan ay isugu yimaadeen Golaha sare iyo Fulinta NUSOJ ay kasoo saareen in uu ururku qaadacsan yahay guddigan, waxaana ay kasoo saareen Saddex qodob.

Ururuka Nusoj oo u taagan difaaca xuquuqda saxaafadda qaranka Soomaaliyeed wuxuu ka digayaa tallaabo kasta iyo qorshe walba oo dawli ah ama madax banaan oo ka horimaanaya midnimada, xuquuqda iyo madaxbanaanida guud ee saxaafadda Soomaaliyeed.

Ururuka Nusoj wuxuu gabi ahaan qaadayacaa ama uu diidayaa qaab dhismeedka iyo meelmarinta guddigan loogu yeeray madax Saxaafadeed, wuxuuna ku tilmaamayaa shirqool ka dhan ah doorka saxaafadda Madaxa bannaan ee arrimaha qaranka.

Ururuka nusoj wuxuu codsanayaa in la ixtiraamo codka saxaafadda Soomaaliyeed lana fiirsado sharciyeynta guddi lagu dulminayo howlaha iyo xuquuqda Saxaafadda Madax-bannaan.

Ugu dambeyn war-saxaafadeedka Nusoj ayaa lagu sheegay in la hareer maray codkii saxaafadda ay ku lahayd dhismaha guddigaasi iyo la socodkiisa.

Goobjoog News