U bood dhigaalka

Obama: 50 Dal Ayaa Balan-qaaday In Ay Qaabilaan Ilaa 360 Kun Oo Qaxooti Ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa sheegay in ilaa 50 dal ay ballan-qaadeen in ay qaabilaan in ka badan 360 oo qaxooti ah, dadkan waxaa uu intaa ku daray in ay ka tagi doonaan dalalka dagaallada iyo gaajada ay ka jiraan.

Obama oo ka hor hadlayey Jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa ayaa sheegay in dalalka badan oo Canada iyo Jarmalka ay ku jiraan ay sheegeen in ay labo jibaari doono tirada ay sanadkii hore qaabileen.

Mareykanka waxaa uu sheegay in 110 ay qaabili doonaan sanadka soo socda ee 2017-ka halka ay sanadkan qaabileen ilaa 85 Kun oo qaxooti ah.

Hadalka Obama ayaa imanaaya kadib maalin uun markii uu burburay xabad joojin ay kala saxiixdeen Mareykanka iyo Ruushka oo ku saabsanaa Suuriya.

Goobjoog News