U bood dhigaalka

Obama, Biden iyo Bloomberg Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Donald Trump

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiinta ugu caansan xisbiga dimoqoraadiga sida madaxweyne Obama, ku xigeenkiisa Biden, ninka ku xigeenka u ah Hillary ee Kaine iyo ninka 6-aad ee addunka u qanisan  Bloomberg ayaa taageeray Hilarry Clinton iyaggoo weerar afka ah ku qaaday Donald Trump.

Madaxweyne Obama waxaa uu sheegay in Hillary ay tahay qofka ugu haboon jagada madaxweynimada Mareykanka isagoo shacabka Mareykanka u sheegay in ay kala doortaan rajo iyo cabsi, waxaa uu Donald Trump ugu yeeray nin ay waddada ka luntay oo midabtakoor iyo cabsigelin shaqo ka dhigtay.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Biden ayaa dhalceeyay Donald Trump isagoo ku sheegay Malyuuneerka in uu isku dhex yaacay oo aan lagu aamni Karin in uu noqdo ninka maamulaya ama mas’uulka ah ciidamada Mareykanka.

Bloomberg oo ah ah ninka 6aad ee adduunka u taajirsan, duqii hore ee Newyork ayaa tageeray Clinton isagoo Donald Trump ku sheegay in lagu yaqaano hanti burbur, maamul xumo, awood si xun isticmaalid, isagoo intaa raaciyay in Trump aanu dhaqaale shaqo ku laheyn, kana hadli Karin, ugu dambeyntii waxaa uu Bloomberg ilaah weydiistay in uu ninkaas uga naxariisto.

Hillary Clinton ayaa noqotay haweneydii ugu horeysay ee murashaxad ka noqota dalka Mareykanka, waxaana la filayaa in ay la tartanto ninka ay wataan xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump doorashada dalkaasi ka dhici doonta November 8

Goobjoog News