U bood dhigaalka

Obama oo Casuumaad Laga Diiday

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa ugu yeeray wadamada Khaliijka shir madaxdeed ka dhaca Washinton maalinta Arbacada.

Shir Madaxeedkan oo labo maalin socon doona waxaa ku wada hadlaya Mareykanka iyo Wadamada Khaliijka, iyagoo ka arinsanaya heshiiska Mareykanka iyo Iiraan.

Shirkan waxaa ka baaqsaday Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdcasis isagoo u wakiishay dhaxal suge Amiir Maxamed Bin Nayif.

Hogaamiyayaasha dalalka Kuwait iyo Qadar ayaa illaa iyo hadda xaqiijiyay inay shirk aka qeybgalayaan.

Shirka waxaa kaloo lagu wadaa in looga hadlo xaaladaha Yemen iyo Suuriya iyo taageerada Mareykanka ee arinkaas ku aadan.

Mas’uul u hadlay Mareykanka ayaa sheegay in maqnaashiyaha Boqor Salmaan aanay ka dhigneen shirka oo liita, isagoo intaa raaciyay in muhiimadda ay tahay in Mareykanka u sheego Saxiibadiisa Khaliijka in aanay dhibaato u arag heshiiska lala galo Iiraan.