U bood dhigaalka

OCHA Oo Ka Hadashay Abaarta Soomaaliya Iyo Gurmadka Loo Baahan Yahay

Sheeko:Dalka

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in Soomaaliya u baahantahay lacag dhan 864 Milyan oo doolar si loo gar-gaaro dad ay tiradoodu gaareyso 3.9 milyan oo qof oo ay abaarta saameysay.

Xafiiska isku duwista arrimaha bini’aadannimada ee Qaramada Midoobey UNOCHA ayaa shaaca ka qaaday qorshe jawaab bani’aadaNnimo looga bixinayo xaaladda adag ee Soomaaliya dhanka Abaaraha.

OCHA ayaa qorshahan ugu talo gashay in laga fuliyo Soomaaliya sanadkan bilowga ah ee 2017-ka.

Qorshahan ayaa OCHA waxa ay ku sheegtay in la diyaariyay iyadoo maanka lagu hayo barnaamijyada kale ee horumarinta ku saabsan ee hay’adaha Qaramada Midoobay ka hayaan Soomaaliya.

Sidoo kale in la ilaaliyo dadka aadka u nugul ayaa ku jirta rabitaanka  ay OCHA dooneyso in ay ku hirgaliso lacagaha ay dalbaneyso.

Tiro badan oo kamid ah shacabka Soomaalida ayaa aad ugu baahan gargaar cunto ah sida OCHA ay sheegtay.

Dadka baahiyaha qaba ayaa tiradooda lagu qiyaasaa 5 milyan oo qof  waxaana xigashadaas lagu saleeyey Abaaraha iyo colaadaha Soomaaliya ka jira.

Tirada dadka gargaarka u baahan ayaa la sheegay in  ay ku dhow yihiin 40% Dadaka Soomaaliyeed.

Warka ay soo saartay OCHA ayaa waxaa ku jira in ka badan 300 oo kun oo caruur ah ay nafaqa darro la liitaan haddiise dalabka lacageed ee iminka ay dooneyso OCHA la helo waxaa Suuragal ah in la badbaadiyo.

Goobjoog News