U bood dhigaalka

OCHA oo sheegtay in daadadkii ka dhashay xilli roobaadka ay saameeyeen kumanaan qof oo Soomaali ah

Sheeko:Dalka

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha bini’aadanimo  ee lasoo gaabiyo OCHA ayaa sheegay in daadadkii ka dhashay xilli roobaadka ay saameeyeen ku dhawaad 50,000 (Kontan Kun) oo qof kuwaas oo ku kala sugnaa gobolo badan oo ku yaalla Soomaaliya.

Wadamada bixiya gargaarka bini’aadanimo ayaa horay u sheegay in loo baahan yahay gargaar degdeg ah ka hor inta aysan bilaaban daadadka, sidaana waxaa u sheegay wakaalada wararka ee Xinhua Farhan Haq oo ah ku xigeenka afhayeenka qaramada midoobay.

Bilawgii bishii October roobab mahiigaan ah ayaa ka da,ay koofurta iyo bartamaha Somalia iyo gobolo u dhaw xuduuda Somalia ay la leedahay Somalia iyadoo daadadka badankood ay ka dhasheen fatahaad ay sameeyeen webiyada Juba iyo Shbelle.

Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha biniaadanimada wuxuu sheegay in dadaadku ay sababi karaan dhibaato aad u weyn waxayna ku baaqeen in la caawiyo dadka daadadku saameeyeen.

Goobjoog News