U bood dhigaalka

October 12, Maanta oo La Filayo Gunaanadka Kiiska Muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Sheeko:Amniga

Waxaa galabta 4-ta xilliga Muqdisho loo balansan yahay dhageysiga gunaanadka kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya kaas oo soo jiitamay tan iyo 2014-kii.

Maxkamadda Cadliga adduunka ee ICJ ayaa lagu wadaa iney soo saarto go’aan kama dambeys ah oo ku aadan kiiska iyada oo natiijada noqon doonto mid ay ku khasban yihiin dhinacyada.

Kiiskan oo August 2014-kii uu maxkamadda geeyey madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo maray heerar kala duwan iyada oo February 2017-kii ay isla maxkamadda xukmisay iney qaadi karto kaib markii ay Kenya muran ka keentay, waxaana maanta loo fadhiyaa in ay gaarto cidda iska leh goobta xadka ah ee muranka ka jiro.

Haddii maxkamadda ICJ ay maanta go’aan gaarto, waxaa fulinta isla leh golaha ammaanka ee qaramada midoobey oo ah hey’ad awood leh oo ka tirsan UNka.

Goobjoog News