U bood dhigaalka

Odawaa oo Kormeeray Fariimada Ciidanka Xoogga Gobolka Baay

Sheeko:Amniga
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye guuto Odowa Yuusuf Raage oo qeyb ka ahaa safarkii madaxweyne Xasan Shiikh  iyo Saraakiil kale ayaa maanta safar howlo shaqo ah ku tagay Deegganka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Bay.

Deegaankaasi waxaa fariisin ku leh ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Ururka 45-aad ee guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taliyaha ayaa si guud usoo koontaroolay fariisinada kala duwan ee ciidanku leeyihiin.

Gen Odowa Yuusuf Raage ayaa Ciidanka halkaasi ku sugan ku dhiirageliyey shaqada adag ay qaranka u hayaan, waxaana uu ku booriyey in ay sii laba jibaaran howlgalada ka dhanka ah xoogagga Alshabab ee ku sugan deegaanno kamid ah gobolka.

Goobjoog News