U bood dhigaalka

Odawaa Oo La Faray In Baaris Uu Ku Sameeyo Taliyaha Ciidamada Badda

Sheeko:Amniga

Wasiirka difaaca xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa taliska ciidamada xoogga dalka ugu baaqay in baaris lagu sameeyo war ka soo yeeray hogaanka taliska Badda.

Xasan Xuseej Xaaji wasiirka gaashaandhigga ayaa taliyaha ciidamada Xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ugu baaqay in baaris uu ku sameeyo war ka soo yeerayo Taliyaha ciidamada Badda Generaal Cabdixamiid Maxamed Dirir , kaas oo ra’iisul wasaaraha ku eedeyay in uu boob ku haayo dhul ciidamada Badda ay leeyihiin.

Wasiirka ayaa Odawaa faray in talaabo uu ka qaado taliyaha ciidamada badda kadib baarista uu ku sameeynayo.