U bood dhigaalka

Odawaa Yuusuf oo Gaaray Xudur, Amarna Bixiyay

Sheeko:Amniga

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta gaaray magaalada Xudug ee  gobolka Bokool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana kulan la qaatay  saraakiil ciidan xoogga dalka ah  iyo taliska nabad ilaalinta ATMIS ee ku sugan magaalada.

Taliyaha Odawaa Yuusuf ayaa amar ku bixiyay howlgallo lagu xaqiijinaayo amniga guud ee gobolka iyo sidii Al-shabaab looga xoreyn lahaa deegaannada ay kaga sugayihiin gobolka Bokool oo dhowr sano ay go’doomiyeen magaalada Xudur ee xarunta u ah.

Taliyaha ciidanka ayaa lagu wadaa inuu Bokool ku sugnaado maalmo, waxaana safarkiisa Bokool uu kusoo aaday iyadoo deegganno ka dhaca Koonfur Galbeed, gaar ahaan Bokool ay ku sugan yihiin Al-shabaab, waxaana marar badan dhacay in ay gubeen ganacsi u socday Xudur.

Goobjoog News