Odayaal dalbaday in ciidamada Kenya laga saaro gobalka Gedo (Dhageyso)

Odayaasha dhaqanka ee gobalka Gedo ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka ee Soomaaliya in gobalkaasi ay ka saarto ciidamada Kenya, ka dib markii ay sii kordheyn duqeynta diyaaradaha Kenya ay ka fulinayaan Gedo.

Nabadoon Xuseen Aadan Warsame oo ka mid ah Odayaal kulan ku yeeshay Degmada Beledxaawo ayaa sheegay in uu dhamaaday waqtigii dulqaadka ee diyaaradaha Kenya ay sii duqeyn lahayen dadka xoola-dhaqatada ee Gobolkaasi degan.

Waxa uu sheegay Nabadoonkaan in wax badan ay isku dayeen in ay kala hadlaan saraakiisha Kenya duqeynta xad dhaafka ah, hase ahaatee uu sabarkii ka dhamaaday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya,Qaramada Midoobay iyo AMISOM ayuu ka dalbaday in deg deg ciidamada Kenya looga saaro gobalkaasi.

Dioyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa maalmihii ugu dambeeyay duqeyn xoogan waxay ka wadeen deegaano ka mid ah gobalka Gedo, waxaana waxyeelo ay soo gaartay dad shacab ah una badan xoolo dhaqato.

Halkaan Hoose Ka dhageyso

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW