U bood dhigaalka

Odayaal Dhaqameed Kahor Yimid In Shirka Maamulka Sh/dhexe iyo Hiiraan Lagu Qabto Jowhar

Sheeko:Dalka

Odayaasha dhaqanka gobalka Hiiraan ayaa kasoo horjeestay in magaalada Jowhar lagu qabto shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Nabadoon Dacar Xirsi Nuur oo ah gudoomiyaha Odayaashan ayaa sheegay in iyagu aanay raali ka ahayn in degmada Jowhar shirkaasi la geeyo.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in ka Odayaasha gobalka Hiiraan ee ka kooban 63-ka oday aanay la kulmin madaxweyne Xasan Sheekh si ay ugala hadlaan arrimaha ku aadan halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Dhinaca kale nabadoonka ayaa markii la weydiiyay sababta aarintaasi ay ku diidan yihiin ayuu tusaale usoo qaatay in dhammaan maamul gobaleedyadii dalka laga dhisay meelihii caasimadda looga dhigay aanay tagin, islamarkaana ay ka baqeen in Jowhar caasimadda ahaato.

“Cadaado waad la socotaa weli lagama tagin oo Dhuusamareeb lama aadin, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland weli waxay ku shaqeynayaan halkii lagu dhisay ee kala ah Baydhabo iyo Kismaayo, anagane Jowhar in lasii joogayo baan aaminsannahay dadka dhanna guuxooda waa sidaas” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu sheegay in degmada Jowhar lagu qaban doono shirka maamul u sameynta goballada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Goobjoog News