U bood dhigaalka

Odayaal iyo siyaasiin baaq deg deg ah ka diray dagaalka Deefoow ee gobalka Hiiraan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Odayaal dhaqameed iyo siyaasiin ku shiray magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa baaq deg deg ah waxa ay ka direen dagaalada kasoo cusboonaaday deegaanka Deedfoow ee gobalka Hiiraan.

Waxa ay sheegeen in beelaha walaalaha ah ee dagaalamaaya looga baahan yahay in ay nabadda ka wada shaqeeyan, dagaaladaanna ku joojiyaan si shuruud la’aan ah.

Sidoo kale xubnahaan shiray waxay sheegeen inay diyaar u yihiin dhigista gogosha nabadda, balse ay ka horeyso si niyadsan in ay ku ogolaadaan dhinacyada halkaasi ku dagaalamaaya.

Deegaanka Deefoow ee gobalka Hiiraan waxaa dhawaan dib uga soo cusboonaaday dagaalo u dhaxeeya beelo walaalo ah oo halkaasi wada dega, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog Fm