U bood dhigaalka

Odayaal iyo waxgarad ka deyriyay xal laga gaaro dagaal beeleed ka socda gobalka Mudug (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan gobalka Mudug ayaa rajo xumo ka muujiyay in xal deg deg ah laga gaaro dagaal beel ka socda deegaano ka mid ah gobalka Mudug, kaa oo qasaare badan sababay.

Nabadoon Cabdi Xasan Muuse Cabdi Yare oo ka mid ah Odayaasha ku sugan deegaanka dagaalku ka dhacay ayaa Goobjoog Fm, u sheegay in ay aad u adag tahay xilligaan in la kala dhex galo beelaha dagaalamaya.

Waxa uu sheegay in iyaga kaligood aanay waxba qaban karin, sidoo kale loo baahan yahay in Odayaasha jooga magaalada Muqdisho, kana soo jeeda halkaasi ay kaalintooda ka qaataan sidii ay ku damin lahaayeen dagaalkaan socda.

Dhinaca kale Nabadoonkaan ayaa ka digay in dagaalkaasi ay soo fara geliyaan maamulada ka jira gobalka Mudug, hadii taas ay dhacdana waxa uu tilmaamay in dagaalka uu sii xoogeysan doono.

Dagaalkaan ayaa bilwday maalin kahor, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, ilaa iyo haatanna majirto xal arintaasi laga gaaray.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News