U bood dhigaalka

Odayaal ka Tirsan Gobolka Awdal oo Cabasho Ka ah Wasiirka Macdanta Somaliland

Sheeko:Dalka

Qaar ka tirsan odayaasha dhaqanka ee gobolka Awdal  ayaa sheegay inay ka cabanwayaan heshiis ay wasaarada macdanta Somaliland la gashay  shirkad macdanta baarta oo shaqo ka fulinaysa buurta Siimoodi oo ku taalla Koonfurta magaalada Boorama .

Odayaashan ayaa ku saleeyey cabashadooda in wasiirka macdantu u sheegay laba sanno ka hor markii ay shirkadani shaqo biloowday in dadka deegaanku faa’iido dhaqaale oo ku dhaw $50,000 ka heli doonaan markay shaqadu dhammaato taasi oo ay  ku doodeen inaan haba yaraatee aan lacagtaasi waxba laga siinin .

Caaqil Axmed Nuur oo u hadlay odayaasha ayaa sheegay inay ka hawlgeli doonaan qaabkii ay dadka deegaanka ay ugu raadin lahaayeen lacagta uu wasiirka macdanta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale kula heshiiyey ee aan fulin.

Caaqilkan ayaa sheegay inay sidoo kale samayn doonana dhaqdhaqaaq ay ku hakinayaan shaqada ay shirkaddu ka waddo deegaanka Siimoodi isaga oo wasiirka ku eedeeyey in dheeftii ka soo xarootay shaqada shirkadda uu kaligii jeebka ku shubtay waxaanu yiri, ” Wasiirk Xuseen waxaan leeyahay waynu ballanay oo aynu heshiinay waliba muddo ka badan intii aynu ku heshiinay ayaanu ku sugaynay  maanta caddaalad maaha in aanan wali wax dhaqaale ahi na soo gaarin “.

Somaliland ayaa sannadkii 2014 waxay  heshiis la gashay  Labo shirkaddood oo macdan baarista sameeya   taasi oo shaqooyin ka kala bilaabay deegaanada Sanaag iyo Awdal, balse labadii shaqaba waxa ka soo horjeestay dadka deegaanka , iyada oo iska hor imaad uu dhex maray dadka deeegaanka iyo ciidamo ilaalo u ahaa magaalada Ceerigaabo oo laga diidanaa shirkadda halkaasi shaqo macdan raadin  ah ka samaynaysay.

Wasiirka macdanta ee Somaliland oo baarlamaanka ka hor sharaxay heshiisyada shiradahan ayaa sheegay Inay qayb ka qaadan doonaan kobaca dhaqaalaha  Somaliland, balse waxa hirgalay un shirkaddii shaqada ka bilawday buurta Siimoodi oo iyaduna ah tan ay hadda reer Awdal ka cabanayaan.

Goobjoog News