U bood dhigaalka

Odayaal qeylo dhaan ka soo saaray abaaraha Gedo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xaalado dhanka nolosha ah oo aad u daran ayaa laga soo sheegayaa deegaano ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta wadanka Soomaaliya.

Odayaal dhaqameed ku sugan degmada Luuq ayaa socdaallo ay ku bixiyeen deegaanno kamid ah gobolkaasi ay ka taagan yihiin xaalado nolol xumo.

Nabadoonka wuxuu sheegay in ay soo arkeen dad iyo duunyo u dhimanaya biyo la’aan iyo gaajo arrimahaasina ay sabab u yihiin abaaro xiligan ka taagan halkaasi.

Hay’adaha samafalka iyo dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay si deg-deg ah ugu soo gurmadaan dadka ku dhibaateysan gobolkaasi.

Hay’adaha qaramada midoobey iyo dowladda Soomaaliya ayaa hore u iclaamiyay in macluusha iyo abaaraha ay dib ugu soo laabteen koofurta dalka.

Hoos ka dhageyso codka nabadoonka: