Odayaal walaac ka muujiyay xirnaanshiyaha wadooyinka gala degmada Buulo Burde (Dhageyso)

Odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan ayaa walaac xoogan waxay ka muujiyeen xirnaanshiyaha wadooyinka gala degmada Buulo Burde ee gobalkaasi.

Nabadoon Xuseen Cabdi Mataan oo ah gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka ee degmada Builo Burde ayaa sheegay in ay jiraan dhibaatooyin badan oo xagga nolosha ah, islamarkaana ay ka walaacsanyihiin wadooyinka xiran.

Nabadoonkaan ayaa sheegay in magaaladaasi sidoo kale ay ku suganyihiin dad barakacayaal ah oo uu sheegay in guryahooda laga soo gubay, kuwaa oo aan hoyaad iyo cunto aan haysan.

Dadka ku dhaqan degmadaasi ayuu sheegay in ay u dhamaanayaan Gaajo iyo Haraad, sidoo kalene aanu degmadaasi ka jirin adeeg caafimaad oo shacabka ay haystaan.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay deg deg ugu furaan wadooyinka, sidoo kalena lala soo gaaro gar gaar bini aadanimo.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW