U bood dhigaalka

Odayaasha Dhaqanka Awdal iyo Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlmaanka Somaliland oo Ka Arrinsanaya Saami-qeybisga Wakiillada

Sheeko:Baarlamaanka

Odayaasha dhaqanka  gobolka Awdal  ayaa sheegay in 28 Bishan August uu magaalada Boorama uga furmi doono shir madax dhaqameedka Boorama iyo 21 xildhibaan oo  golayasaha guurtida iyo wakiilada ugu kala jira  deegaanada Awdal.

Shir jaraa’id oo ay madaxda dhaqanku ku qabteen magaalada Boorama ayaa Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ah af-hayeenka madaxda dhaqanka Awdal uu ku sheegay in shirka 28-ka bishan uu noqon doono mid ay reer Awdal kaga doodi doonaan isla markaana ay qorshe wada jir ah ka yeelan doonaan  tallaabo hore ay u diideen,” shirka noo qabsoomayaa waxaanu isla qaadan doonnaa xildhibaanada  in go’aankii madaxda dhaqanku ay ku diideen in madaxweyne Siilaanyo go’aamiyo saamiga beeluhu ku yeelan doonaan  kuraasta baarlamaanka gaar ahaan wakiilada  waxaanu xukuumadda tusi doonnaa in aanu ka midaysanahay rabitaankayaga iyo diidmadaba “.

Suldaan Ibraahim Samatar oo isna ka hadlay shirkan  ayaa waxa uu xusay in gobolka Awdal uu masiirkiisa siyaasadeed gaar ahaan saamiga uu ku yeelanayo wakiilada ayna cid kale ku doori doonin balse ay iyagu doodda oo midaysan ay dhiiban doonaan.

Axsaabta siyaasadda  Somaliland ayaa 15 bishii Julay madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey codsi uu isna ka aqbalay oo ku saabsanaa inuu go’aan ka qaato saamiga beelaha Somaliland dega ay ku yeelan doonaan  kuraasta Golaha wakiiladda .

Waxaana ay arrintaasi sii kicisay dood markii horeba ay qabeen deegaanada Awdal oo ay sheegeen inaanay  cadaalad ahayn inay golaha wakiilada oo ka kooban 83 xildhibaan ay ku yeeshaan 12  xildhibaan balse ay rabaan in 20 loo gaarsiiyo.Waxaa la sugayaa Madaxweyne Siilaanyo oo wali ka fakaraya go’aanka saami-qeybsiga kuraasta baarlmaanka ee gobollada Somaliland.

Goobjoog News