U bood dhigaalka

Odayaasha dhaqanka gobalka Hiiraan oo fariin u diray maamulka gobalkaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

BaladweynOdayaasha dhaqanka gobalka Hiiraan ayaa si kulul uga hadlay arimo badan oo ku aadan amniga guud ee gobalkaasi, iyaga oo sheegay in meelo badan oo Baladweyne ka mid ah amnigeeda uu aad u xumaaday.

Odayaashaan oo kulan ku yeeshay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in maamulka gobalka Hiiraan iyo sidoo kale ciidamada AMISOM ay ka gaabiyeen wax ka qabashada amniga guud ee degmadaasi, sidaa darteedna loo baahan yahay in arimahaan deg deg wax looga qabto.

Nabadoon Iidoow Dhegaweyne oo ah gudoomiye ku xigeenka Odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa mar uu halkaasi hadal ka jeediyay sheegay in xaaladda ay tahay mid faraha kasii baxayso, meeli badan oo gobalka ka mid ahna ay u muuqato in aysan cidna ka talin.

Magaalada Baladweyne ayuu sheegay in ay kusoo bateen dhaca, Kufsiga, Dilka, isaga oo ku baaqay in deg deg wax looga qabto arimahaan soo laab laabtay.

Dhinaca kale qaar ka mid ah Odayaashaan ayaa sheegay in AMISOM xilligaan ay bilaabeen in kaliya amniga dhankooda ay sugaan, islamarkaana meesha ay ka baxday cidii sugi lahayd amniga shacabka ku dhaqan Baladweyne.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News.