Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Gudigii Dhaxdhaxadinta ee Dowladda  u dirtay dhamaynta xiisadihii ka taagan Degaanno hoos yimaada degmada Beledwayne ee gobolka hiraan ay soo afjari waayeen xiisadaha ka jira degaanka
Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan Xuseen Kulmiye Waa Suge  ayaa sheegay in hada cabsi ay ka qaban  in markale dagaalo ay ka dhacaan Gobolka Hiiraan.
Waa suge ayaa sheegay in guddigii dowladda federaalka ka socday ay ku laabteen magaalada Muqdisho kadib markii ay ku guul dareysteen isku soo dhaweynta beelihii dagaalamay.
Gudoomiyaha Odayaashu waxa uu mar kale ku baaqay in loo wada guntado  soo afmeerida xiisadaha aan laga  xal gaarin ee ka jira Gobolka Hiiraan.
Tiro dad ah ayaa ku dhimatay kuwo kalena waa ay ku wax yeeloobeen dagaallo u dhexeeyey dad wada dega oo ka dhacay deegaanada Deefow iyo kabxanley ee gobolka hiiran.