U bood dhigaalka

Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo rajo xumo ka muujiyay joojinta colaada Deefoow

Sheeko:War

Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa rajo xumo ka muujiyay joojinta colaadaha ka taagan deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey ee gobolkaas.

Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan oo lagu magacabo Xasan Kulmiye Waasuge ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ka jooga Gobolkaasi ay ku guul dareysteen hakinta dagaal beeleedyada ku soo laalaabtay deegaano hoos yimaada gobolka Hiiraan.

Nabadoonka ayaa geesta kale ku baaqay in la soo af jaro colaadaha ku soo laalaabtay gobalka Hiiraan, kuwaa oo sababay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeedba.

Dagaaladii labada maleeshiyo ku dhex maray deegaanadaas ayaa sababay dhimashada dad kor u dhaafaya 10 ruux.