U bood dhigaalka

Odayaasha Guurtida Soo Doortey Madoobe Nuunoow oo ku Biirey Sedexda Gobol (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

odayaasha koonfur galbeedIllaa 41 odayaashii dhaqanka ee soo doortey maamulkii lixda gobo lee Koonfur Galbeed ayaa maanta ku dhawaaqay in ay si rasmi ah ugu biireen maamulka sedexda gobo lee Koonfur Galbeed.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Baydhabo ayaa waxaa sidoo kale shirka ka hadlay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Odayaasha aya sheegey in markii hore lagu kala aragti duwanaa arrinta lixda gobol iyo tan sedexda gobol, balse hadda ay garoowsadeen arrintii sedexda gobolka islamarkaasina taageereen Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyaga oo ka codsaday hogaamin wanaagsan.

Shariif Xasan oo madasha ka hadlay ayaa bogaadiyey go’aanka odayaasha, wuxuuna sheegey in hawl culus ay hortaalo, taasi oo qasab ah in wadar ahaan loo qabto.

Dhalinyarada sedexda gobo lee wiilal iyo gabdhaba leh ayuu ka codsaday in ay ciidamada qortaan si buu yiri dadka looga saaro xabsiga dusha ka feedan, isaga oo ola jeedey deegaanada go’doonsan iyo kuwa Alshabaab gacantooda ku jira.

Dhageyso

Goobjoog News