U bood dhigaalka

Odayaasha Hiiraan oo Ku Baaqay in Beledweyne La Dhigo Madashada Shirka Hiiraan iyo Sh. Dhexe

Sheeko:Dalka

Shir maanta ay odoyaasha gobolka Hiiraan isugu yimaadeen Beledweyne ayey ku celiyeen mar kale dalabkoodii ahaa in Madasha shirka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe la dhigo xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyn.

Waxaa dhawaan in la filayaa in uu furmo shir Maamul loogu dhisayo gobollada Hiiraan iyo Shabeelle balse bulshada labadaas gobol ilaa iyo hadda ma oga halka lagu qabanayo.

Dhinaca kale odoyaasha reer Hiiraan ayaa shirkooda ku dhaleeceeyay falkii Safiir Cali Americo loogu diidan in uu ku soo galo Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka.

Cali Americo ayaa Sabtidii laga celiyay Magaaladaas kadib markii amarkaas uu soo saaray godoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifitax Xasan Afrax.