U bood dhigaalka

Odayaasha ku dhaqan Baladweyne oo fariin u diray madaxda dowladda iyo baarlamaanka Soomaaliya (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa fariin u diray madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka ee Soomaaliya, taa oo ku aadan khilaafka xilligaan taagan.

Nabadoon Faarax Fara dheere oo ka mid ah waxgaradkaasi ayaa sheegay in waxa laga xumaado ay tahay khilaagka xilligaan madaxda ka dhex taagan, xilli shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan in dowladd wax badan ay dalka u qabato, waa sida uu hadalka u dhigaye, isaga oo dhanka kale la yaab ku sheegay in baarlamaanka ay ku kala qeybsamaan khilaafka madaxda ka dhaxeeya.

“Waxaan leeyahay mooshin wax laga keeno baarlamaanka ayaa ah, gudoomiyaha waxaan leeyahay hadii xildhibaanada xumaadaan beeshooda ku laabo oo ka bedal, madaxda dhan waxaan leeyahay dalkaan yaan dib loo dhigin”

Dhinaca kale nabadoonkaan ayaa ugu baaqay dhamaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya in ay tashadaan oo ay ka fogaadaan khilaafka jira, islamarkaana ay xaliyaan khilaafka madaxda dalka u dhaxeeya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaarihiisa waxaa ka dhaxeeya khilaaf ka dhashay isku shaandheyntii lagu sameeyay golaha wasiirada taariikhdu markii ay ahay 25- October ee sanadkaan 2014.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News