U bood dhigaalka

Odinga “Natiijada Hordhaca Ah Waa Mid Qiyaali Ah”

Sheeko:Dalka

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ANSA, Raila Odinga ayaa sheegay in natiijada hordhaca ah ee ay shaaciyeen guddiga doorashada Kenya ay tahay mid qiyaali ah oo been abuur ah.

Goor dhow ayuu saxaafadda la hadlay musharrax Odinga oo waxa uu sheegay in natiijada la sheegay aanay la socon Document-iyo cadeynaya run ahaanshiyaha natiijada.

Sidoo kale Odinga ayaa tilmaamay in doorashada laga leexiyey jidkeedii, islamarkaana la bilaabay wax is dabo marin iyo qiyaano doorasho.

Hadalkaan ayaa muujinaya in xisbiga mucaaradka ee ANSA aysan marnaba raali ka ahayn siday wax ku socdaan.

Guddiga doorashada dalka Kenya ayaa si hordhac ah waxay u sheegeen in doorashada uu ku horreeyo Uhuru Kenyatta, iyadoo weli la sugayo natiijada kama dambeysta ah.

Goobjoog News