U bood dhigaalka

OGEYSIIS JAGO BANAN – Sarkaal Xiririnta dadwaynaha ee Barnaamijka Xasilinta

Sheeko:War

Xayesiin Shaqo: Barnaamijka Xasilinta

Muddada Shaqada: Waa 6 billood oo la kordhin karo

Goobta shaqada: WAAJID, DIINSOOR, BAARDHEERE, HUDUR IYO MAHADAAY

Supervisor:  Wassaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalka

Waxay Xirmaysaa: Axad 24 July 2016

Xayesiin Shaqo: Barnaamijka Xasilinta

Muddada Shaqada: Waa 6 billood oo la kordhin karo

Goobta shaqada: WAAJID, DIINSOOR, BAARDHEERE, HUDUR IYO MAHADAAY

Supervisor:  Wassaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalka

Waxay Xirmaysaa: Axad 24 July 2016

Xaaladda Guud

Ciidamada Xoogga Dalka Somaliyeed iyo kuwa Ururka Midowga Africa ee jooga Somaliya (AMISOM) ayaa waxay cusboonaysiiyeen weerarada ay dib ugu qabsanayaan dhulka ay Al Shabaab ka taliso. Ilaa iyo hadda, weeraradaasi waxaa dib loogu qabsaday 16 deegmo oo ku kala yaala gobollada Baay, Bakool, Gedo, Galgaduud, Shabeelada Dhexe, Shabeelada Hoose iyo  Hiiraan. Arrintaan waxaa bar bar socday, in dowladdu ay diyaarisay istiraatiijiyad ay ku xasilinayso (Dhulka la qabtay), iyadoo xogga sarayso sidii lagu dhisi lahaa maamullo, sidoo kalena ay bilowday geeddi socod wadahadal iyo dib u heshiisiin iskugu jira, iyo in wax laga qabto baahida deg degga ah ee ka jirta goob walba. Istratejiyadda dowladda waxay ku qotontaa sidii si tartiib tartiib ah loogu dhisi lahaa maamullo ku meel gaar ah laguna hir-gelin lahaa sharciga arrintaas oo ay xigi doonto dhismaha maamul goboleedyo iyo goleyaal ku-meel gaar ah oo ugu dambayn noqon doona kuwo joogto ah. Arrintaan waxay u baahan tahay sidii laysugu dubba ridi lahaa loona wada xiririn lahaa howlaha degmooyinka iyo Wassradda Arrimaha Guduha.

Sarkaalka Qaabilsan Xiriirinta Dadweynaha wuxuu mas’uul ka noqon doonaa guul ka keenista mashrucaan. Iyada oo la racayo sharudaha u degsan shaqadaan, ayuu sarkaalka qaabilsan la xiriiridda dadweynaha wuxuu mas’uul ka noqonayaa taabba-gelinta howlaha mashruuca iyo guul ka keenidda degmada loo xil sarray isaga/iyada.

Sarkaalka Qaabilsan Xiriirinta Dadweynaha waxuu ka amar qadanayaa maamulaha mashruuca kor ku xusan sidoo kalena wuxu tageerayaa kooxda degaankaas ka shaqaynaysa.

Waajibaadka iyo Shaqooyinka

Sarkaalka Qaabilsan  Xiriirka Dadweynaha wuxuu mas’uul ka yahay fullinta howlahaan sida gaarka ah u tilmaaman:

–          Maalin walba wuxuu xiriir la sameeynayaa Kooxaha ka kooban Wassaradda Arrimaha Guduha iyo Sarakiisha kale ee ay kawada shaqayaan Mashruuca ee heer Qaran iyo deegaan iyo kooxaha ka tirsan xafiska UNDP si markaasi si waxtar leh loogu hirgeliyo arrimaha kala gedisan ee hoos yimada mashrucaan;

–          Wuxuu fududeynayaa sidii si fudud looga hir gelin lahaa howlaha mashruuca markay arrinta taaan tahay heer deegaan;

–          Wuxuu soo urrurinayaa xog iyo documentiyo ku haboon howsha la hir gelinayo wuxuna ka soo ururinayaa wada-hawl-galayaasha iyo khubarada uu mashruucu hoos imanayo, waxa kaloo uu sameyn donaa wixii kale ee falanqayn ah ee loo bahan yahay;

–          Wuxuu horumarinayaa kadibna joogteynayaa xiriirka wanagsan ee uu la leeyahay wakiilada hay’adaha Qaramada Midoobay u joogo deegaanka, Hay’adaha aan Dawliga ahayn, bulshada rayidka ah, dadka xog ogaalka ah, iyo warbaahinta kuwaas oo dhamaan uu kala xiriiri doono howlaha mashruuca;

–          Wuxuu tageerayaa sidii loo diyaarin lahaa kulamo iyo saminarro hoos imanayo mashruuca wuxuuna tageerayaa kooxda qaabilsan mashruuca si loo diyaariyo documentiyada loona qoro hadal qoraaleedka kulumada;

–          Wuxuu diyaarinayaa howl galka bil walba iyo wixii shaqa ah ee la qorsheeyo ee khuseeya mashruuca wuxuuna fulinayaa wixi shaqo ah ee loo xilsaaro;

–          Wuxuu diyaarinayaa warbixinno isbuuciiba laba jeer, warbixinnadaas oo uu ka diyarinayo xaladda ka jirta degganka wuxuna gudbinayaa warbixinnada iyo dib-u-eegista dhaqaale iyo hawl-gal ee loo baahanyahay;

–          Wuxuu fulinayaa wixii kale ee shaqo ah oo maamulaha mashruuca u xil saaro;

–          Wuxuu si joogto ah ula xirirayaa Wassaradda Arrimaha Gudaha  ee fadhigeedu yahay Muqdisho iyo mas’uliyiinta degmada uu u xil saran yahay, waxa uu usbuuciiba hal mar diyaarinayaa shir laysku waydarsado wixii war ah ee jira;

–          Usbuciiba wuxuu war bixin joogta ah oo howshiisa la xirirta sinayaa Wasaradda Arrimaha Gudaha.

Kala Saraynta Maamulka iyo Gudbinta Warbiixinta

Sarkaalka Qaabilsan Xiriirka Bulshada wuxuu hoos imanayaa maamulaha mashruca.

Shuruudaha laga rabo sarkaalka

–          Ugu yaraan waa in uu leeyahay waya’aragnimo 3 sano ah oo uu ka shaqaynayey dowladda hoose ama bulshada rayidka ah, waya’aragnimadaas ha ahaato mid heer qaran ah ama mid heer caalami ah; In uu leeyahay raad raac la taban karo oo uu ku fulinayey mas’uliyad u dhiganta tan hadda aan soo sheegnay;

–          In uu leeyahay waayo’aragnimadii farsamo ee uu dadka kula xariiri lahaa isuguna keeni lahaa bulshada uuna ku dhisi lahaa nabadda;

–          In uu leeyahay waayo’aragnimo uu uga shaqayn karo computerrada uuna ku adeegsan karo software-rada (MS Word, Excel) uuna leeyahay aqoon fiican oo uu ku adeegsado spreadsheetka uuna ku abuuro nidaamka ururinta iyo habaynta xogta;

–          In uu leeyahay waayo’aragnimo shaqo uu lasoo shaqeeyay Dowladda ama Qaramada Midoobay, waa arrin la daneeynayo;

–          In uu leeyahay waayo’aragnimo cad oo uu kula shaqeeya kooxo kala gedisan sida bulshada rayidka ah, hay’adaha kala gedisan ee dowladda iyo deeq bixiyayaasha;

–          Waya’aragnimo uu kula shaqeeyo warbaahinta;

–          In uu ku wanaagsan yahay af Somaliga iyo af Ingiriiska;

Si aad u codsato, waxaad ku dirtaa CV-gaada ugu dambeeyay emailkan: [email protected] or [email protected] Wixii faahfaahin ah kala xiriir emailka. Taariikhda ugu dambeeyso ee lasoo codsan karo booskan shaqo waa Axad 24 July 2016. Waxaa xiriir lalasoo sameyn doonaa oo kaliya dadka soo galo liiska kooban. Musharaxiinta dumarka ah waxay leeyihiin mudnaan gaar ah. Fadlan warqada codsigaaga korkeeda Ku cadeey magaca degmada aad codsanayso.